fi
sv
en
Other languages
eesti (Estonian)
français (French)
hrvatski (Croatian)
polski (Polish)
Pусский (Russian)
Soomaali (Somali)
Tiếng Việt (Vietnamese)
عربي (Arabic)
नेपाली (Nepali)
中文 (Chinese )

Qubidda Qashinka Hagaha Guriga

HAGAHA SIDA AAD U KALA SOOCI KARTID QASHINKA GURIGA

Kala soocida waa muhiim

Markii aad qashinka u kala soocdo sidii loo tilmaamey, hab-socodka dib u warshadeynta sii fiican ayuu u shaqeyn doonaa. Kani wuxuu yareyn doonaa baahida loo qabo isticmaalka qalabyo iyo macdan cusub. Waad ku mahadsan tahay kala soociddaada!

Maalin walba qashinka guriga sidaan u kala sooc:

Sopcirkeln_piirroskuva.png

A. Qashinka baaba'aysa

Qashinka baaba’aysa ku shub bac madow (bacyo badan ee laga helo suuqa, markii la kala geddiyo waxaa loo isticmaali karaa sida bacyada madow):
• qashinka raashiinka, cunto halaabey
• lafaha iyo qashinka hilibka iyo kalluunka
• qashinka ka soo baxo khudaarta, ukunta
• qashinka shaaha iyo kafeega
• qashinka mukulaasha

B. Qashinka la gubi karo

Qashinka la gubi karo ku shub bacyo midab khafiif leh:
• xafaayadda ilmaha iyo suufka caadada
• warqado, kartoon, balaastiig iyo ka sameysan xumbada polystyrene
• kartoonka caanaha ka dhamaadey, kartoonaha Ukunta iwm.
• dhaloyinka madhan (shaambo, iwm)
• alaabo yar ee balaastiig ah (tusaale cadayga, buraashka timaha)
• alaabta ka sameysan balaastiig aysan ku jirin badeecadaha PVC
• boorsoyinka ku jiro boodh iyo kuwa huufarka
• dharka (aysan ku jirin kobo, dharka roobka iyo kuwa haragga ka sameysan)
• istaraasho
• boorsoyinka ku jiro alaabta la shiiley iyo kafeega

Ecopoint (goobaha aruurinta)

Goobaha aruurinta xaafadda ayaa la geyn karaa qiyaas yar ee alaabta dib loo warshadeyn karo sida birta, warqada, dhalo nadiif ah, batariga iyo goobo gaar ah waxaa xittaa la geyn karaa kartoonka.

Isticmaal bac adag, ugu badnaan 40 litar, iyo sii fiican u xir.

OGOW! Qaar ka mid ah guryaha dabaqa si gaar ah ayeey u aruuriyaan kartoonka.

paperi_1_150

Warqad

• wargeysada iyo majallado
• buug-yareyaasha, iyo warqadaha warbixinta
• buugaag
• warqadaha caadiga
• boqshad

pahvi_1_150

Kartoonka

• kartoonka
• kartoonka caanaha iyo casiirka
• kartoonka alaabta la geliyo sida midka badarka quraacda, pizza iyo ukunta
• boorsoyinka warqad ka sameysan
• tuubada kartoonka ka harey warqada duuduuban ee musqusha iyo jikada

Kartoonada waa inuu waxba ku jirin, nadiif ahaadaan, engagan yihiin, la kala furey iyo la is-dhaxgeliyey.

lasi_1_150

Dhalo

Baakad ka sameysan dhalo
• dhaloyinka
• qasacyada dhalada ah
Dhaloyinka waa inay nadiif ahaadaan. Ka bixi daboolyada. Looma baahno inaad ka bixiso xaashida ku dhegan dhalada.

pienmetalli_1_150

Birta

• qasac, qasacyada casiirka, daboolka birta ee dhaloyinka
• saxanada jaandi ka sameysan iyo cuntada lagu daboolo
• qasacyada ranjiga ee madhan
• qasacyada alaabta la buufiyo ee madhan
• digsiyada
• alaabta wax lagu cuno, maqas iyo qalabyo

paristot_1_150

Batariga

• batari nooc walba ah ee guriga laga isticmaalo
• batariga yar ee telefoonka gacanta iyo qalabyada korontada

Saldhigga dib u warshadeynta

Saldhigyada dib u warshadeynta degmadaada waxaad si bilaash ah geyn kartaa qashin ka badan ama alaabo wayn. Shaqaalaheena ayaa ku caawin kara, hase-yeeshe si aad safarka saldhigga dib u warshadeynta Ekorosk ka dhigto mid waayo-aragnimo fiican leh, hubi inaad qashinkaaga sii fiican u kala soocdo ka hor intii aadan halkaas tegin. Haddii aad qashinkaaga sii fiican uu kala soocdo waqti badan halkaas kuma lumin doontid. Saldhigydadeena dib u warshadeynta waxay ogol yihiin qashin noocaan oo kale ah:

• qashinka halista ah
• qashinka alaabta korontada
• qashinka cuntada
• qashinka guban kara
• birta

• dhalo nadiif ah
• warqad (dib loo warshadeyn karin)
• kartoon
• dhar (dhar, kobo, iwm.)
• alaabta guriga la dhigto

• qashinka dhismaha (kala sooc ka hor intii aadan tegin!)
• alaabta ka sameysan dhagax
• dambas

Farmashiiyaha

Eko_laakejate_leikattu_0993.jpg

Daawoyinka

• daawoyinka dhacey
• irbidaha
• qalabyada lagu eego heer-kulka (merkury)

Notice:

The opening hours for the recycling stations have changed 1.1.2018


The latest opening hours are under translation and will be available in your language during the first weeks of 2018.

» Please visit the finnish section of the website for the most updated opening hours.

Saacadaha shaqada saldhigyada dib u warshadeynta:

ALAHÄRMÄKuoppalantie 18
ALAVETELI/NEDERVETILMurikantie 405
EVIJÄRVIKärritie 8
JEPUA/JEPPOPensalantie 190
KAUHAVASalokuja 5
KAUSTINEN/KAUSTBYAmpumaradantie 10
KOKKOLA/KARLEBYTerminaalikatu 11
KORTESJÄRVIOllinkankaantie 94
KRUUNUPYY/KRONOBYKrokforsintie 24
KÄLVIÄ/KELVIÅKruutikellarintie 5–7
LOHTAJA/LOCHTEÅLohtaja industrial area, Karhintie
LUOTO/LARSMOGranvägen 3
MUNSALAEteläinen Munsalantie 222
PIETARSAARI/JAKOBSTADPirilö, Launisaarentie 90
PURMOPurmontie 635
RÄYRINKIPatanantie 331
SMÅBÖNDERSSmåböndersintie 625
TEERIJÄRVI/TERJÄRVEkokuja 1
ULLAVAToholammintie 71
UUSIKAARLEPYY/NYKARLEBYMyllytie 15
VETELI/VETILÄijäpatintie 8
YLIHÄRMÄPuurtajantie 8
ÄHTÄVÄ/ESSEUrheilukentäntie 90